U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddax heshiis oo muhiim ah

Sheeko:War

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Kuwait, Mudane Abdullah Ali Abdullah Al-Yahya.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyaga oo isla qaadaa-dhigay siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga dhinacyo kala duwan leh, sidoo kalena is-dhaafsaday aragtiyo ku aaddan xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami.

Kulanka kadib, waxaa la kala saxiixday saddex heshiis iyo is-afgarad, taas oo muujinaysa sida ay labada dal uga go’an tahay qoto-dheereynta iskaashiga. Is-afgaradyada la saxiixay waxaa ka mid ah:

• Unkidda guddi wadaag ah oo dardargeliya iskaashiga labada dhinac.

• Heshiis ku saabsan wadatashiyada laba geesoodka ah.

• Is-afgarad iskaashi oo u dhexeeya Machadka

Diblomaasiyadda Saud Al-Nasser Al-Sabah ee Dowladda Kuwait iyo Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.