U bood dhigaalka

gaadiidkii isaga gooshi jirey Puntland iyo gobollada dhexe oo u xanniban ciidamo gadoodsan

Sheeko:War

Wararka ka imaanaya magaalada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in gaadiidkii in gaadiid badan oo dhinaca Boosaaso ka yimid ay maalintaas halkaas ku xayiran

Arrintan ayaa ka dhalatay ka dib markii ciidamo la sheegey in ay mushahar la’aan ka cabanayaan ay wadada xirteen , iyada oo ay taagan yihiin gaadiidkii laga soo raray dekedda Boosaaso.

Gadoodka ciidamada ee mushaar la’aantu sababto ayaa muddooyinkii dambe ku soo badinayay deegaannada Puntland, ayadoo saacado ka hor la sheegay in isku socodka Garoowe iyo garoonka diyaaradaha magaaladaas ay hakad ka geliyeen ciidamo tabasho xaquuq la’aan sheeganayaahi.