Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalka ka socda aagga Tarabuunka Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Amniga

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo saaka jarmaadii hore ka bilowday xaafado ku yaalla Tarabuunka magaalada Muqdisho, kaas oo ilaa haatan socda, islamarkaana dhawaaqa rasaasta laga maqlayo caasimadda inteeda badan.
Dagaalka oo ka bilowday xerada loo yaqaanno Horseed ayaa u dhexeeya ciidanka ka tirsan dowlad iyo dabley deegaanka ah oo ka soo horjeeda in dhulkaas dadka deggan xoog looga raro.
Ilaa hadda ma jiraan xogo sugan oo laga hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana weli la maqlayaa dhawaaqa rasaasta laysku adeegsanayo, wixii ka soo kordhana Goobjoog ayaa kala socan doontaan haddii Alle yiraahdo.