U bood dhigaalka

Amniga magaalada Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay iyo madaxweyne Xasan Shiikh oo ku wajahan

Amniga gaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug ayaa saaka si weyn loogu adkeeyay, xilli la filayo in uu gaaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee ku sugan Galmudug ayaa sameeyay howlgallo ballaaran oo lagu sugayo xasilloonida iyo amniga magaalada, si loo xaqiijiyo in socdaalka Madaxweynaha uu ku dhaco si nabad ah oo habsami leh.

Sida wararku sheegayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka uu Dhuusamareeb tago waxa uu kulammo muhiim ah la qaadan doono mas’uuliyiinta Galmudug iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo looga hadli doono arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin: amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyo dardargelinta howlaha dib-u-heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in socdaalkiisu uu horseedo dhiirrigelin cusub oo ku aaddan iskaashiga dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug, si loo xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab, wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo arrrimo kale.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo culus oo ay dowladdu ugu jirto dib u billaabidda dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, isla markaana bulshada lagu dhiirrigelinayo ka qayb-qaadashada waji cusub dagaal.