U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay in ka badan 100 xubnood oo Shabaab ka tirsan

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo gacan ka helaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal culus ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyada iyo gabaadyada kooxda Al-Shabaab, ayaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood, oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in duqeymo xooggan lagu burburiyay goobihii ay Al-Shabaab isku aruursanayeen, halka ciidanka Danab ay gudaha u galeen xarumihii cadowga si loo xaqiijiyo guusha howlgalka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda iyo ciidanka qaranku ku baacsanayaan kooxaha Shabaab, iyadoo ujeedadu tahay in gebi ahaanba loo ciribtiro si loo xaqiijiyo amniga shacabka Soomaaliyeed.