U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo Shabaab ka tirsan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta fulisay xukun dil toogasho ah oo horay loogu xukumay laba xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, kuwaas oo horey uga qeyb qaatay falal argagixiso oo ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Labada eedeysane ee la toogtay ayaa kala ah:

Saleebaan Xuseen Nuur Cali, oo horey loogu xukumay dil kadib markii lagu helay dambiyo culus oo ay ku jiraan ka qeyb qaadashada weeraro iyo dilal qorsheysan.

C/qaadir Abuukar Axmed, oo isna lagu helay falal argagixiso iyo ku lug lahaanshaha dilal qorsheysan oo shacabka lagu beegsaday.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horey ugu xukuntay labadan xubnood ciqaabta dilka, waxaana maanta la marsiiyay cadaaladda.

Mid ka mid ah dambiyada culus ee ay ku lug lahaayeen ayaa ahaa dilkii Ganacsade Isaaq Aadan Cali (Isaaq Garroow), oo ka mid ahaa ganacsatada qiimaha badan ee bulshada Soomaaliyeed wax tar weyn u lahaa.

Ehelka Ganacsade Isaaq Garroow ayaa sheegay in maanta ay heleen cadaaladdii uu mudnaa walaalkood, iyagoo rajo ka muujiyay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwii ka dambeeyay falkaas amrida iyo abaabulkiisa.