U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in amniga dalku uu marayo meeshiigii ugu wanaagsanayd 25-kii sanoo dambe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xaaladda ammaanka dalku ay maanta joogto meeshii ugu wanaagsanayd 25-kii sanoo la soo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay inay mar ahaan jirtay jidkii dhimashada, balse haatan loo badelay meesha Soomaaliya ugu ammaanka feecan, wuxuuna intaa ku daray in dadka Soomaaliyeed ay guushaaas horseed u yihiin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalkii lala galay kooxda Al-Shabaab uu sabab u noqday hormarka ka socda dalka, balse wuxuu qiray inaan dagaalkaas si dhammaystiran loogu guulaysan ee Alshabaab weli ay deegaanno haystaan.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli amaanka magaala madaxda Muqdisho isbadel weyn laga dareemayay muddooyinkii la soo dhaafay, islamarkaana qaraxyadii iyo dilalkii qorshaysnaa ay u muuqato in laga nastay.