Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in asaga iyo mucaaradku ay isku mari waayeen wax ka badelkii lagu sameeyay Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan amniga dalka, dagaalka Alshabaab, wada-hadallada mucaaradka, iyo qodobo kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu ay samaysay wax aan caadi ahayn markii la eego dhinaca wada tashiga dadka Soomaaliyeed, asagoo tilmaamay inay la shireen culimo, ganacsato, siyaasiyiinta, iyo qeybo kale oo bulshada kamid ah.
Dhinaca mucaaradka waxa uu carrabka ku adkeeyay inay maalmihii la soo dhaafay wada qaateen ilaa 5 shir oo ay gogoshooda dowladdu fidisay, balse ugu dambeyn aan wax natiijo ah laga gaarin, asagoo taas ku sababeeyay in mucaaradku ay ku fuqi waayeen ku laabashada Dastuurkii la ansixiyay 2012-kii.
“Waxaan ku niri chapter 4-ka aad rabtaan keena, qodobay keeneen, qodobadii dowladdu waa oggolaatay waxaan dhahnay waan oggolnahay kuwan inaan Baarlamaanka ku celinno oo aan dhahno walaalo Soomaaliyeed oo aragti ka qabaa jiree dib u eegis halagu sameeyo, war wixii kale, intaan xalliya kuwa kalena waan ka wada-xaajoon doonnaa,wixii Dastuurka ku saabsan hal mar aan ka dhammaano howl baa naga dhacdee, maya shirku ha sii socdo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay wixii dhex maray asaga iyo mucaaradka.
Ugu dambeyn Madaxweynuhu wuxuu sheegay in asaga dalku ay kala weynyihiin, sidaa dardeed aan asaga lagu mashquuline aragti siyaasadeed oo socanaysa bulshada lala hor yimaado, asaguna uu kalsooni isku qabo, muddada xilkiisuna uu weli socdo.