U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabatay 48 jawaab oo maan-dooriye ah

Sheeko:War

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabatay 48 jawaab oo maan-dooriye ah, ayadoo sheegtay inay in halis weyn ay bulshada ka badbaadisay.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay tahay markii labaad oo ay gacanta ku dhigeen maandooriye ka kooban 48 jawaan oo midkiiba ay ku jirto 52 baakadood (box) oo daroogo ah, taas oo isku darkeedu noqonayso 2,496 baakadood iyo 6 kartoon oo xaashida lagu xirxiro daroogada.

Maandooriyahan oo ah mid halis ku ah bad-qabka Bulshada ayaa laga soo dejiy-ey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaan lagu dhex qabtay intii uusan ka bixin Garoonka, ayadoo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu hoosta ka xariiqay in ay wadaan baaritaano rasmi ah oo lagu ogaanayo shabakadaha ku lugta leh soo gelinta daroogadan si gacan loogu soo dhigo loona horkeeno caddaaladda horteeda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu adkeynayaa la dagaallanka dambiyada la xiriira daroogada, sidoo kalena digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku hawllan soo dejinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah si loo Ilaaliyo caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed.