U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray barnaamijka la xisaabtanka Xukuumadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta soo xiray Barnaamijka Isla-Xisaabtanka Xukuumadda Dan Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha iyo ballamaha hirgelay ee Xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Golaha Xukuumadda daah-furnaanta ay muujiyeen sida ay mudnaanta u siinayaan talada iyo tusaalaha shacabka Soomaaliyeed oo ay muddo toddobaad ah u soo bandhigayeen waxqabadkooda, caqadaha iyo qorsheyaasha dhow.

“Barnaamijkan [isla-xisaabtanka] waxa uu xoojinayaa hufnaanta, daahfurnaanta iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Dowladdooda”.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in guulaha ay Xukuumadda Dan-Qaran gaartay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay saldhig u yihiin mustaqbalka dowladnimada, balse loo baahan yahay in dadaalka la labalaabo si loo gaaro hiigsiga qaranka ee fog.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Xafiiska Dardargelinta iyo Hirgelinta (CDU) oo hoos imaanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaas oo qaabilsan hirgelinta iyo dabaggalka ballanqaadyada iyo qorshayaasha dowladeed, dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo isku-xirka wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha qaranku si habsami leh u hirgalaan.