U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun dil ku fulisay laba xubnood oo Shabaab ka tirsan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo horay loogu riday laba xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, gaar ahaan qeybta qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.

Labadan xubnood oo lagu kala magacaabo Anas C/qaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow,  ayaa lagu helay dambiyo culus oo la xiriira dilal qorsheysan iyo falal argagixiso oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland,

Maxkamadda Ciidamada ayaa horey ugu xukuntay dil toogasho, waxaana maanta xukunkaasi si rasmi ah loo fuliyey.

Labadan eedeysane ayaa lagu caddeeyey in ay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo lagu beegsaday bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haldoor iyo nabadoono caan ah oo lagu tilmaamay in ay ahaayeen tiir-dhexaadkii bulshada.

Mas’uuliyiinta ciidamada iyo garsoorka ayaa sheegay in fulinta xukunkaan ay fariin cad u tahay cid kasta oo ku lug leh falalka amni-darrada, isla markaana loo baahan yahay in bulshada lagu badbaadiyo cadaalad degdeg ah iyo talaabo adag oo ka dhan ah kooxaha Shabaab