Puntland iyo taliska AFRICOM oo war ka soo saaray duqeymo culus oo todobaadyadii la soo lagu qaaday kooxda Daacish

Dowladda goboleedka Puntland iyo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa si wadajir ah u xaqiijiyey in muddo laba todobaad gudahood ay fuliyeen howlgal dhulka iyo cirka isugu jira oo si weyn loogu bartilmaameedsaday kooxda Daacish ee ku sugan buuraha iyo togagga ku yaalla deegaanka Baalade ee hoostaga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro ee ay wadaan ciidanka difaaca Puntland oo taageero ka helaya Imaaraadka iyo Mareykanka, kuwaas oo si weyn loogu wiiqay awooddii kooxda Daacish aaggaas ku lahayd.
Togga Baalade ayaa muddo dheer loo aqoonsanaa in uu yahay mid kamid ah xarumaha ugu muhiimsan ee ay Daacish ku leedahay Soomaaliya, halkaas oo ay ka soo abaabulaani jireen weerarro iyo qaraxyo ka dhan ah maamulka iyo ciidamada ammaanka Puntland.
Taliyaha Taliska AFRICOM, Gen. Dagvin Anderson, ayaa sheegay in weerarradan ay caddeyn u yihiin sida Mareykanku iyo saaxiibadiisa Soomaaliyeed ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta gelinaya gobolka.
“Duqeymahani waxay caddeyn u yihiin go’aankeenna iyo ballanqaadkeenna ah inaan sugno badbaadada muwaadiniinta Maraykanka iyo saaxiibadeenba, waxaana hambalyeynayaa ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee Maraykanka, iyo sida oo kale saaxiibadeena Soomaaliyeed, kuwaas oo ka shaqeeyay dhammaan dhinacyada howlgalkaan adag,” ayuu yiri Gen. Anderson.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa dhankooda sheegay in howlgalladani ay qeyb ka yihiin dadaallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo in kooxda Daacish laga saaro deegaannada ku dhow Boosaaso, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida gobolka Bari oo muhiim u ah ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in weerarradaasi ay sababeen khasaare culus oo soo gaaray kooxda Daacish, inkasta oo aan la shaacin tirakoob rasmi ah.