U bood dhigaalka

Taliyaha CXD oo tababar u soo dufcaddii ugu horreysay ee Layli Saraakiil Kumaandoos ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa soo xiray tababarka gaarka ah ee dufcaddii ugu horreysay ee Layli Saraakiil ah, kuwaas oo qaadanayay tababar Kumaandoos ah.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarkan ayaa ka dhacday Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure ee xerada Baledogle, halkaas oo ay Layli Saraakiishu kusoo bandhigeen dhoolatus ciidan oo muujinayay xirfado tababar oo heer sare ah, kana tarjumayay natiijada waxbarashada iyo tababarka adag ee ay soo mareen.

Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay tababaradani u leeyihiin dhismaha iyo tayeynta ciidanka. Wuxuu sheegay in tababarka noocan ah uu si gaar ah uga qayb qaadanayo kor u qaadista xirfadaha Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada iyo Askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidanka Qaranku ay u baahan yihiin aqoon iyo xirfado casri ah si ay ula jaan qaadaan caqabadaha amni ee dalka ka jira, ayna awood ugu yeeshaan difaaca qaranka iyo ka qayb qaadashada sugidda xasilloonida.

Tababarkani waxa uu astaan cad u yahay dadaalka joogtada ah ee dowladda iyo hoggaanka ciidamada ay ku doonayaan in lagu xoojiyo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u noqdaan ciidan awood u leh difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.