Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waraaqaha danjiranimo ka guddoomay Danjire Francesca Di Mauro, safiirka cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, iyo Danjire Henk Jan Bakker, safiirka cusub ee Boqortooyada Nederland ee dalka.
Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey xilalka cusub, isagoo xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin wada-shaqeyn iyo soo dhawayn wanaagsan.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in Midowga Yurub iyo Nederland ay kaalin muuqata ku leeyihiin taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadeynta, horumarinta dhaqaalaha, iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah.
Dhankooda, labada safiir ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha qaabilaadda iyo soo dhawaynta diirran, waxayna ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan iskaashiga dhinacyada nabadda, horumarka, iyo dib-u-dhiska, iyagoo muujiyey sida ay dalalkoodu iyo Midowga Yurub u danaynayaan in Soomaaliya ay gaarto xasillooni iyo horumar waara.