U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay in hoggaamiye sare oo ka tirsan Alshabaab lagu diley howlgal ka dhacay Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo gacan ka helaya saaxiibada caalamka, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Show, halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

NISA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka lagu beegsaday Xuseen Cabdullaahi Dalab, oo loo yaqaanay “Caamir,” kaas oo ahaa hoggaanka amniyaadka Al-Shabaab ee Hirshabeelle.

Sida ay hay’addu sheegtay, Caamir ayaa kaalin muuqata ku lahaa falal argagixiso oo dhowr ah oo ka dhacay gobollada dhexe, kuwaas oo lagu laayay shacab iyo masuuliyiin heerar kala duwan leh.

“Howlgalka wuxuu qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, waxaana la sii wadi doonaa ficillada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka NISA.

Gobolka Hiiraan ayaa bilihii ugu dambeeyay noqday goob ay ka socdaan howlgallo culus oo iskaashiga ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab.Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku saabsan dilka horjoogahooda lagu beegsaday gobolka Hiiraan.