U bood dhigaalka

Hanti-dhowraha Qaran oo Farta Ku fiiqay Maamul-xumo Maaliyadeed oo Ka dhexjirta Hey’adaha Dowladda

Sheeko:War


Hanti-dhowrka Qaranka ayaa soo saaray warbixin sanadeedkii 2024-ka. Baaris lagu sameeyey 21 hey’adood oo Federaal ah waxaa caddaatay maamul-xumo maaliyeed oo ka dhexjirta qaar ka mid ah hey’adaha Dowladda.

Warbixinta waxaa ku xusan in Maxkamadda sare, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka ay diideen baarista iyo soo gudbintagal maaliyadeedkooda taasi oo hanti-dhowrka kahor istaagtay helidda xogaha sida ay u maamuleen, una isticmaaleen misaaniyadda qaran ee loo asteeyey iyo dakhliyada ay qabtaan.


Warbixintan ayaa kusoo aadeysa iyada oo miisaaniyadda qaran ay kor u dhaafeyso hal bilyan oo doolar, taasi oo $346 million ka mid ahi katimid dakhliga gudaha halka $694 million ay yihiin kabka beesha caalamka. Xilli dowladdu ku tiirsan tahay kabka maaliyadeed ee caalamiga ah, keliya maareynta misaaniyadda qaranku ma ah dowlad-wanaag ee waa Xasilooni qaran.


Warbixinta Hanti-dhowrka Qaranka waxaa ku jirta maamul-xumo baahsan sida; Wax soo iibsi aan tartan la gelin, Hanti maguurta ah oo magac uyaal ah, taageero maaliyadeed dibadda ah oo aan la xisaabcelin, iyo boqolaal shaqaale oo mushaar la’aan ah. Inkasta oo warbixinta ay qireyso meelo wanaagsan hadana waxay farta ku fiiqeysaa hey’ado isla xisaabtan la’aan ah iyo in aan la fulin talooyinkii ku jiray warbixinnadii hore ee hanti-dhowka taasi oo muujineysa walaaca ah dhaqanka maamul-xumada ah ee ka dhexjira hey’adaha dowladda.


Baarista waxaa lagu helay hey’ado kala duwan sida; Wasaarado kala qeybinaya heshiisyada si aanu u dhicin tartan hufan oo la arkayo, hanti iyo gaadiid aan la diiwaangelin oo maqan, kab laga helay beesha caalamka oo aan ku caddeyn miisaaniyadda qaranka iyo akoonno banki oo laga duray meel ka baxsan Baanka qaranka. Arrimahaasi keliya ma aha maamul-xumo ee waxay wiiqayaan xeerarka iyo shuruucda maaliyadeed ee dalka iyo Xeerka iibka Qaran oo dhigaya in la diiwaangeliyo hantida qaran, si hufan loo tartamo, deeqaha caalamigana ay ka dhexmuuqdaan miisaaniyadda qaranka iyo in hey’adaha dowladda lahaadaan hanti-dhowre gudaha ah.

Hay’adaha Maamulka Sare


Xafiiska Madaxtooyada: Waxaa lagu ogaaday qandaraasyo ka badan $1.5 milyan, si looga fogaado xeerka iibka qaranka. Waxaa kale oo la helay gaadiid madax hore heystaan oo aan la diiwaangelin.


Golaha Shacabka (Baarlamaanka): Qandaraasyo dhan $4.4 milyan ayaa loo qeybiyay si sharciga looga baxsado. Waxaa kale oo jiray $185,000 oo deeq ah oo aan lagu darin miisaaniyadda, iyo 136 shaqaale oo mushaar la’aan ah.


Wasaaradda Maaliyadda: Iyadoo mas’uul ka ah dhaqaalaha dalka, ayaa iyadana jarjartay qandaraasyo dhan $2.4 milyan, waxay ku guuldareysatay uruurinta $10 milyan oo canshuur ah, waxaana shaqaale ahaan u jiray 50 qof oo mushaar la’aan ah. Sidoo kale, ma jirin guddi iib ah oo shaqeeya.


Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Waxay ku bixisay $79,000 wax-soo-iibsi aan tartan lahayn, waxayna qorshe la’aan ku kharash garaysay $317,000. Waxaa lumay $120,000 oo deeq ah, halka 87 shaqaale mushaar la’aan ahaayeen.


Wasaaradda Cadaaladda: Waxaa la helay in ay leedahay 250 mashruuc aan la diiwaangelin iyo deeqo dhan $1.2 milyan oo aan miisaaniyadda ku jirin. Waxaa kale oo jiray 28 shaqaale mushaar la’aan ah.

Xisaabiyaha Guud: Ma lahayn guddi iib, wuxuuna adeegsaday shatiyo dhacay.


Xeer-ilaaliyaha Qaranka: Waxaa uu bixiyay $144,000 aan loo tartamin, jabiyay qandaraas dhan $115,000, saxiixayna heshiisyo aan la diiwaangelin oo dhan $154,000.


Garsoorka


Maxkamadda Sare, Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyo Maxkamadda Racfaanka ayaa diiday in ay hanti-dhawrka u soo gudbiyaan dukumiintiyada maaliyadeed, iyagoo lahaa miisaaniyad dhan $5.76 milyan. Tani waxay dhaawac weyn ku tahay isla-xisaabtanka nidaamka cadaaladda dalka.


Amniga


Xoogga Dalka: Kharash gareeyay ku dhowaad $20 milyan iyada oo aan lahayn qorshe iib iyo waax hanti-dhowr gudaha ah. Waxaa diiwaanka ka maqan 137 hanti ma-guurta ah.


Booliska: Qeybiyay qandaraas dhan $367,000 iyo 63 hanti oo aan la diiwaangelin. Waxaa askarta laga jaray mushaar dhan $600,000, taas oo sharci darro lagu tilmaamay.

Hay’adaha Dhaqaalaha


Wasaaradda Tamarta: Heshay $2.4 milyan oo deeq ah oo aan miisaaniyadda lagu darin, waxaana gacanta ka maqan 195 hanti ma-guurta ah.


Wasaaradda Batroolka: Wax-soo-iibsi dhan $160,000 ayaa aan tartan la marin, waxaana lumay canshuur dhan $30,000. Waxaa jiray 50 shaqaale mushaar la’aan ah.


Wasaaradda Kalluumeysiga: Ku guuldareysatay in ay joojiso 57 markab oo sharci darro ah, heshay deeqo aan miisaaniyadda ku jirin, waxaana ka maqnaa in ka badan 100 hanti, halka 88 shaqaale mushaar la’aan ahaayeen.


Hay’adda Isgaarsiinta: Qabatay lacag dhan $7 milyan oo aan la ogeysiin Wasaaradda Maaliyadda.
Wasaaradda Hawlaha Guud: Lumisay $150,000 oo khidmad shati ah.


Wasaaradda Gaadiidka: Wareejisay bas dowladeed oo aan oggolaansho lahayn.


Adeegyada Bulshada

Wasaaradda Waxbarashada: Ka maqan yihiin 451 dhul iyo hanti, oo ay ku jiraan iskuullo iyo goobaha xanaanada carruurta. Waxaa kale oo ay bixisay $1.1 milyan iyada oo aan tartan la marin.


Wasaaradda Shaqada: Ka maqan 60 dhul oo wasaaraddu lahayd, lumisay $85,000 oo kirada ah, waxayna diiwaangelisay 4,500 shaqaale ajaanib ah iyada oo aan guddi qiimeyn lahayn.


Gunaanad iyo Gubaabin


Warbixinta ayaa si cad u muujisay in maamul-xumooyinkaasi aysan ahayn daldaloolo yar, balse ay yihiin burbur nidaamsan oo khatar ku ah isla-xisaabtanka iyo xasilloonida qaranka. Waxaa la faray:

  1. In la joojiyo jar-jarista qandaraasyada.
  2. In dhammaan deeqaha iyo dakhliga lagu shubo khasnadda dhexe.
  3. In hay’ad kasta sameyso waax hanti-dhowr gudaha ah.
  4. In hanti dowladeed oo dhan lagu diiwaangeliyo nidaamka SFMIS.
  5. In si degdeg ah loo xaliyo xaaladda shaqaalaha mushaar la’aanta ah.