U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsan Alshabaab howlgal ka dhacay Galguduud

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Howlgalkaas, ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay NISA, lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jireen hoggaamiyaal muhiim ah, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay. Sidoo kale, ciidamada ayaa beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 maleeshiyaad, taas oo ku taallay deegaankaasi.

Saraakiisha amniga ayaa intaas ku daray in ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ahi ay hadda ku raad-joogaan haraadigii maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

Gobolka Galguduud ayaa muddooyinkan noqday goob dagaal oo joogto ah, maadaama ay halkaasi ku xooggan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab, balse ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howlgalada, iyagoo doonaya in ay meesha ka saaraan awoodda kooxda.