Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qeyb-galay shir looga hadlayay maalgelinta howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba kaga qeyb-galay shir heer sare ah oo shan-geesood ah, kaas oo looga hadlay maalgelinta iyo taageerada howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, kuwaas oo dhammaantood isku raacay muhiimadda ay leedahay joogteynta taageerada dhaqaalaha iyo midda farsamo ee howlgalka AUSSOM.
Madaxda ayaa falanqeeyey caqabadaha taagan iyo sida loo heli karo iskaashi mideysan oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilinta Geeska Afrika.
Waxaa shirka lagu adkeeyay in howlgalka AUSSOM uu door weyn ka qaato la dagaallanka kooxaha khawaarijta ah iyo ilaalinta guulaha ciidamada qaranka Soomaaliya ka gaareen dagaalka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuuxnuuxsaday in AUSSOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu difaacayo nabadda iyo xasilloonida, isagoo ugu baaqay beesha caalamka in ay sii laba-laabaan taageerada dhaqaale iyo tan farsamo.
Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay ballanqaad mideysan oo ku aaddan in dalalka gobolka iyo Midowga Afrika ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni iyo horumarineed ee gobolka, loona heli lahaa taageero joogto ah oo lagu xaqiijinayo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.