kumuu ahaa Charlie Kirk oo lagu dilay Mareykanka ?

Orem, Utah – Charlie Kirk, oo ahaa aas-aasaha ururka Turning Point USA iyo mid ka mid ah wejiyada ugu caansan garabka midig ee Mareykanka, ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday barxadda jaamacadda Utah Valley University magaalada Orem, gobolka Utah.
Kirk ayaa ku jiray barnaamij, Wuxuu ku hadlaayay makarafoonka markii hal xabbad oo laga soo riday dhisme u dhow goobta, taas oo uga dhacday qoorta, waxaana si degdeg ah loogu qaaday isbitaal.
Inkasta oo qalliin lagu sameeyay, wararka rasmiga ah ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday.Baarista iyo tuhunkaBooliiska gobolka Utah, FBI iyo hay’ado kale oo amni ayaa baaritaan ballaaran ku wada falkan.
Laba qof oo la tuhunsanaa ayaa markii hore la qabtay, balse dib ayaa loo sii daayay kadib markii la xaqiijiyay inaanay iyagu ka dambeyn toogashada. Ilaa iyo hadda cid si rasmi ah loogu eedeeyay lama hayo.
Jawaabaha siyaasadeedMadaxweynaha Donald Trump ayaa qoraal murugo leh ku sheegay in Kirk uu ahaa “halyeey fahmay qalbiyada dhallinyarada Mareykanka” isaga oo tacsi u diray qoyskiisa. Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadigaba waxay si xoog leh u cambaareeyeen dhacdada, iyagoo ku tilmaamay weerar siyaasadeed oo cabsi gelinaya dhaqdhaqaaqayaasha iyo siyaasiyiinta.
Saameynta bulshada Jaamacadda Utah Valley ayaa fasallada iyo dhammaan hawlaha kale joojisay ilaa 15 Sebtember, iyadoo ardayda iyo shaqaalaha lagu amray inay goobta ka baxaan ama ay is xanibaan inta baaristu socoto. Dadweynaha waxaa lagu booriyay inay xog kasta oo ay hayaan la wadaagaan booliiska.
Dhacdadan ayaa kicisay dood weyn oo ku saabsan heerka khatarta siyaasadeed ee dalka Mareykanka, iyadoo la sheegayo in falalka noocan ah ay cabsi ku abuuraan qof kasta oo si firfircoon uga qayb qaata ololayaasha siyaasadeed.