Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxay weerar ay Alshabaab ku qaadeen magaalada Ceeldheer
Sheeko:Arrimaha Amniga

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaddib markii dagaalameyaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku yaalla hareeraha magaalada.
Guddoomiyaha degmada Ceeldheer, Cabdiraxmaan Axmed Cumar, ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay dhowr jiho, islamarkaana uu ku soo beegmay xilli salaadda Subax lagu tukaday.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in rasaas weli laga maqlayo magaalada bannaankeeda, isla markaana laysku adeegsanayo hub culus iyo midka fududba.
Ceeldheer ayaa muddo saddex sano ah ka hor gacanta Al-Shabaab ka baxday, kaddib markii ciidamada dowladda ay xoreeyeen December 2023.