Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ka muujisay codkii ugu adkaa ee ka dhanka ahaa Israa’iil

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale ku guuldarreystay in uu qaado go’aan dhab ah oo ku saabsan xadgudubyada Israel, balse Soomaaliya ayaa noqotay codka ugu adag ee laga maqlay fadhigaas.
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle, ayaa hadaljeedin kulul ka jeediyay, isagoo si cad u sheegay in Soomaaliya garab taagan tahay dalka Qadar oo uu xaq u leeyahay in uu qaado tallaabo kasta oo uu kaga jawaabayo gardarrada Israel.
Abuukar Baalle – Golaha Ammaanka
“Waxaan garab taagan nahay walaalaha Qadar oo xaq u leh in ay qaadaan tallaabo kasta oo ay kaga jawaabayaan gardarrada aan geedka loogu soo gabban ee Israel. Waxa kale oo aan ku celinayaa in waxqabad la’aanta Golaha Ammaanka ay caalamka ka dhigtay meel shuruucdii caalamiga ah hadal kaliya ah oo aan dhaqan galin.”
Hadalkan ayaa si weyn uga dhex muuqday warbaahinta Bariga Dhexe, iyadoo si gaar ah loo qaadaa-dhigey in Soomaaliya tahay dal Muslim ah oo si cad u dhaleeceeyay waxa loogu yeeray “gardarro joogto ah oo Israel ku hayso shacabka rayidka ah.”
Fadhiga Golaha Ammaanka ayaa muujiyay kala qaybsanaan, iyadoo quwadaha waaweyn ay mar kale diideen in tallaabo wax ku ool ah laga qaado, balse Soomaaliya ay noqotay mid codkeedu ka xoog badan yahay marka loo eego dalal badan oo ka tirsan gobolka.