U bood dhigaalka

Dalal ay ku jiraan Maraykanka, Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo Soo Jeediyay Qorshe lagu soo afjarayo colaadda Suudaan

Sheeko:War

Dalalka Maraykanka, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa si wadajir ah u soo jeediyay qorshe nabadeed oo loogu tala-galay xallinta dagaalka ka socda dalka Suudaan, iyagoo ugu baaqay dhinacyada isku haya dalkaasi inay si degdeg ah u qaataan xabbad-joojin bini’aadantinimo oo socota muddo saddex bilood ah, taas oo gogal xaar u ah in la gaaro xabbad-joojin rasmi ah.

War-saxaafadeed ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee afarta dal ayaa lagu sheegay in qorshahan cusub uu u gogol-xaarayo in sagaal bilood gudahood la sameeyo nidaam kumeelgaar ah oo ay hoggaamiyaan rayidka, taas oo ujeeddadeedu tahay in dalka loo horseedo maamul cusub oo nabad iyo dimuqraadiyad ku dhisan.

Afartan dal ayaa ah kuwii saameynta ugu weyn ku lahaa labada dhinac ee dagaalka –oo kala ah Ciidanka Qalabka Sida ee Suudaan iyo fallaagada RSF, kuwaas oo muddo ku dhow sano ku jiray dagaal sababay burburin iyo macluul saamaysay dalka, islamarkaana horseeday xaalad bini’aadantinimo oo caalami ah.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin xal ciidan oo lagu soo afjari karo colaadda, xaaladda hadda jirta-na ay abuureyso dhibaato aan la aqbali karin oo khatar gelinaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dalalkani waxay sidoo kale muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan midnimada dhuleed ee Suudaan, xilli RSF ay dhistay maamul u gaar ah oo xarun ka sameystay gobolka Darfur, halkaas oo ay gacanta ku hayaan dhulka intiisa badan ee gobolkaas.

Dagaallo culus ayaa weli ka socda magaalada al-Fashir, oo ah caasimadda taariikhiga ah ee gobolkaas, waxaana magaalada saaran go’doon ba’an oo sababay gaajo iyo xaalado caafimaad. .

Imaaraadka Carabta ayaa horay loogu eedeeyay inuu taageero u fidiyay RSF, inkastoo uu si cad u beeniyay arrintaas, Masar iyo Sucuudiga ayaa dhinacooda taageero la taagnaa ciidamada dowladda.