Booliiska Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay dhallinyaro lagu eedeeyay inay Madaxweynaha aflagaadeeyeen

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaleey ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay aflagaado u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhallinyaradan oo magacyadoodu kala yihiin:
Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid
,Amin Maxamed Xasan, Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim
ayay Booliisku sheegeen in la soo qabtay kaddib markii muuqaal ay soo dhigeen barta TikTok uu ku faafay baraha bulshada, kaas oo ay ku muujinayeen hadallo gef iyo aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha.
War qoraal ah oo ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in falalka noocan ahi ay dhaawacaan sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana ay ka hor imanayaan Dastuurka iyo shuruucda dalka.
Saraakiisha ayaana xaqiijiyay in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si loo mariyo habraaca sharciga ah.
Booliiska ayaa bulshada ku wargeliyay inay ka fogaadaan faafinta ama ku dhaqanka falal lagu tilmaamay marin-habaab iyo aflagaado, iyagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda.