U bood dhigaalka

Duqeyn diyaarado aan la aqoonsani ka geysteen gobolka Sanaag oo sababtay dhimashada Nabaddoon caan ah.

Wararka ka imanaya deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa xaqiijinaya in duqeyn ka dhacday halkaasi lagu dilay Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi, oo ka mid ahaa odayaasha deegaanka deegaanka.

Duqeynta ayaa dhacday xilli caaqilku ku sugnaa goobta, waxaana la sheegay in aysan jirin dad kale oo la socday ama waxyeello soo gaartay.

Wareysi uu warbaahinta siiyay Cali Cabdillaahi Cabdi oo ah caaqilka walaalkiis ayuu ku sheegay in lafaha caaqilka oo keli ah ay heleen, isla markaana aysan jirin cid kale oo ku dhaawacantay ama la socotay marxuumka.

Wuxuu intaa ku daray inay ka war sugayaa maamulka Puntland oo ay uga fadhiyaan inuu dhacdadaas baaritaan ku sameeyo, si looga jawaabo dhibaatadan gaartay muwaadinka aan waxba galabsan.

Duqeynta ayaa dhalisay walaac ballaaran oo ku saabsan amniga deegaanka Ceelbuh iyo gobolka guud ahaan, iyadoo dadka deegaanka ay ka dalbanayaan dowladda in ay xaqiijiso bed-qabka shacabka, islamarkaana baaritaan dhab ah ku sameyso cidda ka dambeysa weerarka.

Diyaaradaha dagaalka dalalka Mareykanka iyo Imaaraadka oo qeyb ka ah howlgalka ay Puntland waddo ee ka dhanka ah Daacish ayaa aaggaas si joogto ah ugu dul heehaaba, lama’se oga cidda rasmiga ah ee fulisay duqeyntan.