Howlgallo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo socda degmada Ceeldheer

Howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Shabaab ayaa weli ka socda deegaanada hoos taga degmada Ceeldheer, halkaas oo jimcihii la soo dhaafay uu dagaal culus ku dhex maray ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya dadka deegaanka iyo kooxda Shabaab.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer ayaa sheegay inay si buuxda uga feejigan yihiin weerarro kale oo laga yaabo kooxda Shabaab inay ku soo qaaddo degmada.
Ciidamo sahan ah ayaa haatan gaaf meeraya gudaha iyo duleedka degmada si loo xaqiijiyo ammaanka.
Dhanka kale, saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku qulqulaya Ceeldheer, kadib guulihii ay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka soo hooyeen dagaalkii jimcihii.
Taliyaha ciidamada lugta xoogga dalka, Sahal Cabdullahi, iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada si ay u dhiirrigeliyaan ciidamada ku sugan halkaas.
Taliyaha ayaa kulammo la qaatay saraakiisha iyo maamulka degmada, wuxuuna ku bogaadiyay guulaha la gaaray, isaga oo ku adkeeyay inay sii xoojiyaan difaaca degmada iyo deegaanada ku xeeran.
Maamulka degmada iyo saraakiisha ayaa dhankooda warbixino ka siiyay xaaladda amniga iyo howlgalada socda.
Degmada Ceeldheer ayaa jab xooggan ku gaarsiisay kooxda Al-Shabaab kadib weerar dhowr jiho ah oo ay ku soo qaadeen jimcihii, waxaana tan iyo maalintaas degmada soo gaarayay gurmadyo kala duwan oo lagu xoojinayo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda.