U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada-hadleen Madaxweynaha JFS iyo Amiirka Qatar ?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Tamim bin Xamad Al Thani, Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Doxa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Qatar, iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa Amiirka la wadaagay sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin Qatar, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya aysan marnaba aqbalayn wax kasta oo dhaawacaya madaxbannaanida, sharafka iyo amniga dowladdaasi.

Dhankiisa, Amiir Tamim bin Xamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya garab-istaagga walaalnimo iyo taageerada muuqata ee ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Amiirku waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga ku salaysan walaaltinimada iyo danaha guud ee labada shacab.

Kulankan ayaa loo arkaa mid sii adkaynaya xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, iyada oo la filayo in labada dowladood ay iska kaashadaan mashaariic horumarineed iyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka.