U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Fashiliyey Miino lagu Aasay Shabeellaha Hoose


Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul kale ka gaaray howlgallada amniga lagu xaqiijinayo, kadib markii ay ka soo saareen miino halis weyn ku keeni lahayd shacabka iyo gaadiidka isticmaala wadada isku xirta Lambar-konton iyo Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, ayaa xaqiijiyay in ciidanku ku guuleysteen inay fashiliyaan dhagar uu Shabaab u diyaariyay, taas oo loogu talo galay in lagu xasuuqo dadka shacabka ah iyo gaadiidka maraya waddadaas muhiimka ah.

Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, oo ku sugan goobta howlgalka, ayaa sheegay:

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar walba u taagan yihiin difaaca shacabka iyo dalkooda. Howlgalka miino baarista ee aan fulinay wuxuu badbaadiyay nolosho badan, waxaana ka hortagnay dhiig-miiratada Shabaab oo doonayay inay si arxan darro ah u gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.”

Wadadan ay miinadu lagu aasey ayaa ah mid muhiim u ah isu socodka gobollada dalka iyo caasimadda Muqdisho, waxaana mar walba adeegsada gaadiid rakaab iyo kuwa xamuul, taas oo ka dhigaysa bartilmaameed ay Shabaab isku dayaan inay ku dhibaateeyaan dadka aan waxba galabsan.