Madaxweyne Xasan Sheekh oo si faahfaahsan uga hadlay biyo-xireenka Itoobiya iyo xariirka Masar iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi gaar ah siiyay Telefishinka caalamiga ah ee Alcarabiya, isagoo ka hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya gobolka, gaar ahaan xarig-jarkii mashruuca Biyo-xireenka Wabiga Niilka ee Itoobiya oo uu dhawaan ka qayb-galay.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in biyo-xireenka Itoobiya uu leeyahay faa’iido dhaqaale oo ballaaran, isagoo tilmaamay in koronto dhan 3,500 megawatt laga soo saari doono, taas oo aysan kaliya ka faa’iideysan doonin Itoobiya, balse sidoo kale dalalka dariska ah ee Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan iyo Kenya la gaarsiin doono.
Mar wax laga weydiiyay sida arrintani ay u saameyn karto Masar oo ah dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan in ka badan 2,000 km oo xuduud dhuleed ah, sidaas darteedna ay muhiim tahay in labada dal yeeshaan iskaashi iyo nabad ku wada noolaansho.
Asagoo intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu u xaqiijiyay inuu diyaar u yahay wada-hadallo iyo in la dhageysto cid kasta oo ka soo horjeeda mashruuca biyo-xireenka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu soo jiray in ka badan 5,000 sano, laga soo billaabo xilligii boqoraddii Masar ee Hatshepsut ay soo booqatay Bariga Afrika, wuxuuna shaaca ka qaaday in dhowaan Soomaaliya ay soo gaari doonaan cutubyadii ugu horreeyay ee ciidan Masaari ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay dal xor ah oo xiriirka diblomaasiyadeed la leh Itoobiya iyo Masar, islamarkaana ay dal walba sidiisa ula dhaqmaysi.
Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale ka hadlay damaca Itoobiya ee Badda Cas asagoo sheegay in Itoobiya ay keliya biyaha Soomaaliya ku soo gaari karto qaab sharci ah, asagoo tilmaamay inay muhiim tahay in dowladaha dhaca hareeraha badda Cas iyo dalalka kale ee danaha istiraatiijiga ah ka lihi ay ka heshiiyaan amniga marinnada baddaas.