Haweenay Shabaab ka tirsan oo Bankigeeda dhex marsiisay Malaayiin doollar oo la xukumay

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku dhawaaqay in Caasho Macalin Mursal Cali lagu helay dambiyo culus oo la xiriira maalgelinta ururka Al-Shabaab, dhaqaale gelinta falal argagixiso, iyo dhaqidda lacago sharci darro ah.
Baaritaanno uu sameeyay xafiisku ayaa muujiyey in akoonka Caasho Macalin Mursal Cali uu marsiiyey lacag gaareysa $2,120,621 (Laba milyan, boqol iyo labaatan kun, lix boqol iyo kow iyo labaatan doollar). Lacagtaas waxaa loo adeegsaday maalgelinta argagixisada, fulinta qaraxyo, dilal, iyo abaabulidda weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay:
16 sano oo xarig ah,
Ganaax lacageed oo ah $20,000,
In la baabi’iyo dhammaan akoonnada ay leedahay, lana wareejiyo dowladda wixii hanti ah ee ku jira.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa caddeeyey in go’aankani qayb ka yahay dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah. Waxaa lagu wargeliyay dhammaan dadka ku hawlan falalka khatarta ah in si cad sharciga hortiisa loogu keeni doono lana horgeyn doono cadaaladda.