U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo sheegay in qof aan kaarka NIRA haysani uusan adeeg dowladeed iyo mid gaar ahba heli doonin xittaa haddii uu baasaboor wato

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed yeesho aqoonsi rasmi ah (Kaarka Aqoonsiga Qaranka), isagoo tusaale u soo qaatay sida ay qasab ugu tahay in baabuur walba uu yeesho taariko si loo kala garto.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad ku saabsan bandhigga waxbaqabadka Xukuumadda ayaa sheegay in aqoonsigu yahay laf-dhabarta amniga iyo maamulka dowladnimo, isla markaana looga baahan yahay dhammaan shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sida ay qasab u tahay in baabuur walba uu leeyahay taariko si loo aqoonsado, waa qasab in qof kasta oo Soomaali ah uu yeesho aqoonsi. Si garan waaga iyo jahawareerka Al-Shabaab looga nabad galo, waa in aan ogaano qof walba oo dalka jooga.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka digay faham khaldan oo ku kooban in Soomaalinimo lagu saleeyo midabka maqaarka ama Af-Soomaaliga oo keliya, isagoo xusay in mustaqbalka dhow qof kasta oo aan haysan aqoonsi lagu weydiin doono halka uu ka yimid.

“Waan madoobahay iyo Af-Soomaali ayaan ku hadlaa Soomaali laguma noqdo. Qof aan aqoonsi wadan waxaa mar dhow lagu dhihi doonaa Soomaali ma tihid, xaggee ka timid?” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale digniin u diray hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, isagoo ku sheegay dembi haddii adeeg loo sameeyo qof aan haysan aqoonsi.

“Haddii banki account u sameeyo qof aan wadan kaarka,haddii wasaaradda ganacsigu oggolaansho siiso qof aan aqoonsi wadan, ama wasaaradda gaadiidka shati darawalnimo siisay qof aan aqoonsi haysan, waa dembi” ayuu yiri Madaxweynuhu

Wuxuu intaa ku daray in ay imaan doonta maalin xittaa baasaboor aan la aqbali doonin, oo qof aan wadan kaarka uusan raaci karin gaari jidkana lagaga dejin doono, asagoo dadweynaha ugu baaqay aqoonsiga qaataan oo ay ka faa’iidaystaan muddada loo qabtay in kaarka sida bilaashka ah lagu qaato.