Muxuu Yahay Heshiiska Cusub ee ay Kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Serbia?

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa magaalada Newyork ku kala saxiixday heshiis cusub oo dhinaca dublumaasiyadda ah, kaas oo ay ku jiraan iskaashi iyo tababarro xirafdeed oo lagu kobcinayo aqoonta dublumaasiyiinta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, ayaa yeeshay kulan doceed barbar socday fadhiga guud ee 80-aad ee Qaramada Midoobay.
Kulanka labada wasiir ayaa ku soo dhammaaday saxiixa heshiis is-afgarad oo muhiim ah, kaas oo u dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbia.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya horumarinta iskaashi dhow oo ku saabsan tababarrada diblomaasiyadeed iyo dhismaha xirfadaha aqooneed ee diblomaasiyiinta labada dal, ayadoo ujeedadu tahay in la xoojiyo awoodda xirfadeed ee shaqaalaha diblomaasiyadda, lana abuuro waddooyin cusub oo iskaashi iyo aqoon is-weydaarsi ah.
Soomaaliya, iyo Serbia oo ah dal ku yaalla Yurubta bari ayaa sanadihii la soo dhaafay sare u sii qaadayay xariirkooda, ayadoo Belgrade ay DFS u tababartay ciidan gaar ah oo ka tirsan booliiska Soomaaliyeed.