U bood dhigaalka

Israsaasayn Xooggan oo Ka Dhacday Degmada Warta Nabadda

israsaasayn xooggan ayaa ka dhacday degmada Warta Nabadda, gaar ahaan agagaarka saldhigga degmada iyo xaafadda Xamar Bile, ka dib markii aaggaas gaareen hoggaamiyeyaasha mucaaradku, islamarkaana ay isku ciidamo ay wateen iyo booliisku.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan waxaana saldhigga degmada hortiisa jooga madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali kheyre iyo Cabdi Faarax shirdoon Saacid iyo xubno kale oo kamid ah xubnaha mucaaradka, kuwaas oo hadda warbaahinta la hadlaya.

Iska horimaad ayaa socday muddo daqiiqado ah, iyadoo dhawaqa rasaasta iyo hubka noocyadiisa kala duwan laga maqlayay aaggaas.

Ciidamo tiro beel ah ayaa ku sii qulqulaya aagga uu isku hor imaadku ka dhacay, rasaastu’se hadda way istaagtay, lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay falkaas.

Saraakiisha ammaanka ayaan weli ka hadlin dhacdadan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan warbixin rasmi ah oo ku saabsan sababaha iyo khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.