Madaxweyne Xasan Sheekh: “Wax ka Badalka Dastuurka boqolkiiba boqol Hab Sax ah ayaan u marnay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in geeddi-socodka dhammaystirka iyo wax ka beddelka dastuurka dalka uu u dhacay si waafaqsan shuruucda iyo habraacyada loo dejiyay.
Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa ugu baaqay cid kasta oo tabasho ka qabta hanaanka wax ka beddelka dastuurka in ay timaado miiska wada-hadalka, balse ereyada looma dhamma iyo hab sax ah looma marin ay yihiin waxyaabo la doonayo in laga gudbo.
Madaxweynaha ayaa xusay in madasha mucaaradku ay u soo gudbiyeen saddex aragti oo ku saabsan wax ka beddelka dastuurka, ayna dowladda qaadatay talooyinkaas oo lagu daray geeddi-socodka dib-u-habeynta dastuurka.
Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashada, madaxweynaha ayaa sheegay in illaa hadda la diiwaangeliyay ku dhawaad hal milyan oo codbixiye, wuxuuna xusay in guddiga doorashooyinka qaranka ay xor u yihiin dejinta habraaca iyo waqtiga doorashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa meesha ka saaray suuragalnimada muddo kororsi ama firaaq dastuuri ah, isagoo ku adkeystay in doorashadu ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay, inkastoo uu ka gaabsaday weydiin ahayd sida waqtiga yar ee dowladdiisa u dhiman loogu qaban karo doorasho deegaan iyo mid baarlamaanka iyo madaxtooyo.
Wax ka badelkii lagu sameeyay afar cutub oo kamid ah dastuurka iyo hannaanka doorashada qofka iyo codka ah ayaa ah qodobada ugu waaweyn ee ay ka soo horjeedaan mucaaradka iyo maamulka Puntland iyo Jubaland, balse dhinaca villa Soomaaliya kama muuqdo wax tanaasul ah oo arrintaas ku addani.