U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay in saddex hoggaamiye oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgal ka dhacay Moqokori

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ku dhawaaqday in saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka ay fuliyeen ciidamada hay’adda oo kaashanaya saaxiibada caalamka, isla markaana lagu bartilmaameedsaday xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda.

Magacyada dadka la dilay ayaa lagu sheegay in uu ku jiro Cabdi Xiiray, oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda, kana dambeeyay weerarro iyo falal amni-darro oo ka dhacay deegaannada Hirshabeelle.

NISA waxay sheegtay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka iyo natiijadiisa lasoo bandhigi doono saacadaha soo socda.