Wasiir Fartaag oo Amray In La Xiro Hotelka Lagu Qabto Shirka Mucaaradka
Sheeko:Arrimaha Amniga

Muqdisho – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Wasiir Fartaag uu laamaha amniga faray in wixii hadda ka dambeeya albaabada loo laabo hotelkii lagu qaban jiray shirarka mucaaradka.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo mucaaradku ay qorsheynayeen kulan ballaaran oo halkaas lagu qabto.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu si cad u diiday isku soo baxa ay mucaaradka ku baaqeen in lagu qabto magaalada Sabtida soo socota, isaga oo ku tilmaamay mid aan la oggolaan doonin sababo la xiriira amniga iyo xasiloonida caasimadda.
Go’aankan ayaa dhalin kara xiisad siyaasadeed oo hor leh, maadaama mucaaradku hore ugu dhawaaqeen in ay si xoog leh u qaban doonaan isu-soo-baxa, halka dowladda ay u muuqato in ay ku adkaysaneyso in la joojiyo.