Askar dishay Sarkaal xigeen ka tirsan Xoogga Dalka oo la xukumay

Ex-Dable Xoogga Cabdikhaddar Nuur Cismaan Khaliif (Cadde-Goobe) ayaa maanta lagu xukumay Dil Toogasho, ahna Qisaasta Marxuum Ex- Seddex Alifle Xoogga Nasrudiin Cabdi Yusuf, halka Cabdulaahi Cabdiraxmaan Xaashi (Dhacsade) isna lagu xukumay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Shan iyo labaatankii Bishii August ee Sanadkaan habeen xili damba ah ayee ka soo wada baxeen Degmada Xamarweyne ka dib isticmaalka noocyo kala duwan oo Maandooriye ah.
Mooto bajaaj la soo raacay ka dib waxaa looga dagay Wadada Buula Xuubeey ee Degmada Wadajir waxaana halkaas la dhigtay Isbaaro iyadoo la iska dhigaya Cutubyada U idman Hubinta Gaadiidka Dadweynaha ee ilaalada Shacabka.
Waxa goobta soo gaaray Marxuumka oo yamid guriga saaxiibkiis waxaa la istaajiyay Mootadii uu saarnaa ka dib Is qabsi Darnaa is ka diidida u hogaasananta awaamiirta lagu matalayo laamaha Amniga ee Isbaarada ah uuna Bixinayo Gacansiiye Eedeysane Cabdullaahi DhacsadeKadib eedeysane Cabdukhaddar Cadde-Goobe Waxaa uu si daran Doori ah Sadax Baalooto kaga Riday Qoraygiisa AK 47 Oo kelidda iyo jilibka Midig Uga Dhacday Marxuum Nasrudiin Cabdi Yuusuf taas oo keentay in uu Go’ Xididka halboolaha dhiiga ugu danbeyna uu u dhintay Xabadahaas.