Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la sii daayo maxaabiista ay kala haystaan Soomaaliland iyo waqooyi bari

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay maamulka cusub ee Waqooyi Bari, isagoo ku tilmaamay inuu yahay maamul ka dhashay rabitaanka shacabka deegaannadaasi.
Madaxweynaha ayaa madaxda maamulka cusub ugu baaqay inay xoogga saaraan amniga, maamul daadejinta, iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, si dadka deegaanka loo gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah iyo horumar muuqda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in abuurista maamulka Waqooyi Bari aysan ka dhignayn in bulshada deegaannadaasi ay ka madax-bannaanaadeen xiriirka iyo wada noolaanshaha maamullada deriska la ah, balse loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashi iyo nabad ku wada noolaansho derisnimo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la fududeeyo isku socodka dadka iyo ganacsiga, si dhaqaalaha deegaannadaasi uu kor ugu kaco, isla markaana la abuuro jawi mideeya bulshada iyo deriskooda.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu madaxda maamulka cusub ee Waqooyi Bari ugu yeeray inay xal siyaasadeed iyo mid nabadeed ka gaaraan maxaabiista tirada badan ee ku xiran xabsiyada maamulkaas, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah xaqiijinta nabadda waarta iyo dib u heshiisiinta deegaannadaas iyo deriskooda.