U bood dhigaalka

Booliska Warta-Nabadda oo Gacanta ku Dhigay 7 Dhalinyaro ku Kacay Falal Halis Gelinaya Bulshada

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Degmada Warta-Nabadda, ayaa gacanta ku soo dhigay toddobo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal halis galinaya naftooda iyo tan bulshada.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan lagu qabtay falal khatar ah oo ka dhacay gudaha degmada, kuwaas oo ay ku jireen isticmaalka tooreeyo, sakiimo iyo walxo kale oo dhaawac u keeni kara nafta iyo dadka kale.

Boolisku waxay sheegeen in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo amni darrada iyo falalka rabshadaha dhalinyarada qaarkood ay ku ku kacaan.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa digniin adag u diray dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo uga digay in ay garoomada, suuqyada, iyo goobaha kale ee bulshada la soo galaan hub ama walxo waxyeello leh.

Boolisku waxay xuseen in tooreeyada, sakiimaha iyo wixii la mid ah ay yihiin walxo gebi ahaanba mamnuuc ah goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan.

“Qof kasta oo lagu helo isagoo ku kacaya falal khatar galinaya naftiisa ama dadka kale, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka, sida uu sheegay afhayeenka booliska. Ujeeddadu waa in la hubiyo badqabka bulshada, laguna dhiirrigeliyo dhalinyarada in ay ka fogaadaan ficillada dhaawaca leh” ayaa lagu yiri warka booliska.

Ciidamada ammaanka ayaa intaa ku daray in howlgalka ay sii wadi doonaan, isla markaana ay la shaqeynayaan bulshada si looga hortago falalka khatarta ah ee dhalinyarada qaarkood ku kacaan.