U bood dhigaalka

Booliska Gobolka Banaadir oo Gacanta ku Dhigay Askari ku Eedeysan Dhac iyo Dhaawac

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaley, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Dable (XDS) Ibraahim Xasan Nuur Cabdi oo lagu eedeeyay inuu dhac iyo dhaawac u geystay muwaadin Soomaaliyeed, kaddib markii uu rasaas ku furay xilligii uu falkaas geysanayay.

Sida ay sheegeen saraakiisha saldhigga, eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Booliska ayaa xusay in ay sii wadi doonaan howlaha lagu sugayo amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyagoo ku baaqay in shacabka lala shaqeeyo si looga hortago dambiyada noocan oo kale ah.