Gabar Soomaaliyeed oo kamid noqatay sama-falayaasha ay afduubteen ciidamada Israa’iil
Gabadh Soomaaliyeed oo haysata dhalashada dalka Finland, laguna magacaabo Shifa Cabdi, ayaa la xaqiijiyay in ay kamid ah dadka ay ciidamada Israa’iil qafaasheen kadib markii ay qabsadeen doomo gargaarka sida oo ku sii jeeday xeebaha Qaza, kuwaas oo doonayay inay jebiyaan go’doominta Israa’iil ku hayso Falastiin.
Wararka ka imaanaya Finland ayaa sheegay in qoyska Shifa Cabdi ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladdeeda iyo halka lagu hayo, iyadoo wali aan si cad loo ogeyn goobta ay hadda ku suganyihiin dadka la afduubtay.
Waxaa la sheegay in Shifa ay kamid ahayd kooxo caalami ah oo isugu jiray dhaqaatiir, wariyeyaal, iyo shaqsiyaad u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo doonayay inay gargaar u gudbiyaan shacabka ku go’doonsan Qaza.
Dhanka kale, dibadbaxyo ballaaran ayaa ka socda dalal badan oo ka tirsan Yurub, kuwaas oo lagu cambaareynayo talaabada Israa’iil iyo xasuuqa ka socda Qaza, kuwaas oo hadda galay sanadkii 3-aad.
Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in dunida Carabta iyo dalalka Islaamka ay ka aamusan yihiin arrintan, iyadoo ilaa hadda aan la arkin mowqif mideysan ama ficil muuqda oo ay qaadeen si ay u difaacaan shacabka Falastiin.
Afduubka Shifa Cabdi iyo sama-falayaasha la socda oo xittaa ay ku jiraan xildhibaanno Talyaani iyo Turkiga iyo dalal kale u dhashay ayaa loo arkaa dhacdo muujinaysa sida Israa’iil aysan cidna u ixtiraamayn, islamarkaana ay ugu xadgudbayso shuruucda caalamiga ah.