Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-Shabaab kala wareegay laba deegaan oo muhiim ah
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya Ciidamada AUSSOM, gaar ahaan qeybta Uganda ee (UPDF), ayaa Kooxda Al-Shabaab kala wareegay laba tuulo oo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Tuulooyinka oo kala ah Shaamgare iyo Raqayle, oo ku yaalla waqooyi-bari degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa gacanta Ciidanka soo galay kaddib dagaal kooban oo dhex maray xoogga dalka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa saaka waaberigii hawlgalkan ballaaran ka bilaabay aaggaas, ayadoo ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan tuulooyinkan oo ay fariisimo ku lahaayeen dagaalamayaasha Alshabaab.