U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay arrinta dhulalka danta guud ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad kulul oo uu ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada uga hadlay arrimo ay kamid tahay arrinta dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho, isagoo si cad u sheegay in caasimaddu aysan sii ahaan karin magaalo qasan oo aan lahayn nidaam dhisme iyo amni.

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in dowladdu ay go’aansatay in Muqdisho laga dhigo magaalo amni ah, nadiif ah, isla markaana leh bilic iyo jidad casri ah oo fududeynaya isu socodka shacabka. “Magaalada Muqdisho ooba siib ma sii ahaan karto, meel ay Shabaab ku dhuuntaan ma sii ahaan karto, meel aan jidad ahayn oo qof dhaawac ah aan laga qaadi karin ma sii ahaan karto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda dowladda federaalka ay tahay in Muqdisho noqoto magaalo ay ku nool yihiin muwaadiniin leh nolol amni iyo nabad ah, ayna dowladdu amar cad siisay maamulka hoose ee caasimadda inay ka howlgalaan dhaqan-gelinta siyaasaddaas.

Wuxuu intaa ku daray in qof kasta oo dhul uu sharci iyo dukumenti sax ah u hayo uu xaqiisa helay, islamarkaana arrintaas maxkamadaha dalku u xil-saaranyihiin.

Arrinta dhulalka danta guud ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe noqatay kamid ah qodobada ugu waaweyn ee uu khilaafku ka taaganyahay, ayadoo xaafado badan dadkii deganaa laga saaray, islamarkaana la burburiyey oo la iibiyey, qaarna la sharciyeeyay.