U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gudaha u galay degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa saaka gudaha u galay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo sii wada howlgalka qorshaysan ee “Duufaanta Aamusan”, oo lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaab.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab, kuwaas oo muddo sanado ah khatar ku ahaa ammaanka iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa sii amba-qaadaya qorshaha lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalku uu weli socdo, isla markaana faahfaahinta rasmiga ah ee natiijooyinka laga gaaro la wadaagi doonto marka uu soo gabagaboobo.