Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii godka Jilacow

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo weerar qarax ku bilowday oo saacado ka hor lagu qaaday xabsiga loo yaqaanno godka Jilacow oo ay gacanta hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonku ayaa sheegtay in weli goobtaas uu dagaal ka socdo.
abaaro 4:40 galabnimo, ayay xubno ka tirsan Alshabaab weerar naf-halignimo ah ku qaaday xarunta Godka Jilicow, oo ka mid ah xarumaha hay’adda NISA, ayagoo isticmaalayay gaari ciidan oo loo ekaysiiyay kuwa hay’adaha ammaanka, sida lagu sheegay war saxaafadeedka dowladda.
Qaar ka mid ah dablaydii weerarka geystay ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dhacdadaas, sida ay baahisay warbaahinta dowladdu.
Weerarka godka Jilicow ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay maanta dib u furtay 52 oo kamid ah jidadka caasimadda, waxaana lays weydiiyay waxa isku soo aadiyay furista waddooyinka iyo weerarkan degdega ah.