U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qiray in dalku uu ka degi la’yahay siyaasiyiin danohooda isku haysta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey masaajidka Madaxtooyada ku sheegay in dalka uusan ka jirin khilaaf bulshada dhexdeeda ah, ha noqdo mid ku saleysan qabiil ama diin, balse khilaafka joogtada ah uu ka dhexeeyo siyaasiyiinta.

Madaxweynaha ayaa xusay in siyaasadda dhabta ahi aysan ahayn in qofku daaha gadaashiisa ka hadlo, balse ay tahay in siyaasiga Soomaaliyeed uu la yimaado mowqif cad oo uu ku hagayo dib u dhiska iyo hagaajinta maamulka dalka.

“dad dhan hoggaamiyeyaal ah, siyaasiyiin ah, waxa ay diidanyihiin la garanaayo, balse waxa ay rabaan aan la aqoon waa mushkulo,Walaalaha siyaasadda danaynaya waxaan leenahay mawaaqiftiina siyaasiga ah caddeeya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay kamid yihiin dhulalka danta guud, ammaanka dalka, iyo dib-u-habeynta dastuurka, asagoo sheegay in aragtida siyaasiga ah ee dowladdu ay mar walba caddahay.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay siyaasadda Soomaaliya wali ka jiraan loolan iyo khilaafyo siyaasadeed oo mararka qaar saameeya howlaha dowlad-dhiska, balse Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in khilaafku uusan ahayn mid bulshada dhexdeeda ka jira ee uu ku kooban yahay keliya siyaasiyiinta.