U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka dago Kismaayo

Magaalada Kismaayo ayaa maanta isu diyaarineysa soo dhoweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo la filayo inuu saacadaha soo socda gaaro magaaladaasi, taas oo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tago xarunta maamulka Jubbaland muddo ka badan hal sano ah.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in boqollaal dadweyne iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ay hadda ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaas oo ay ku sugi doonaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Waxaa sidoo kale magaalada lagu arkayaa boorar waaweyn oo lagu xardhay sawirka Madaxweynaha iyo farriimo soo dhoweyn ah, taas oo muujineysa diyaar garow iyo jawi siyaasadeed oo cusub oo soo ifbaxaya.

Sida ilo xog-ogaal ah ay sheegeen, wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha ayaa horey u gaaray Kismaayo, kuwaas oo kulamo hordhac ah la yeeshay madaxda Jubbaland iyo saraakiisha amniga si ay u xaqiijiyaan isu-dubaridka soo dhoweynta.

Safarkan Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay dib u soo kabatay xiriirka labada dhinac ee Villa Soomaaliya iyo Jubbaland, ka dib khilaaf siyaasadeed iyo iska hor imaadyo ciidan oo sanad ka hor ka dhacay deegaannada Raaskaambooni iyo Gedo, halkaas oo ciidamada labada dhinac ay isku farasaareen.

Si kastaba ha ahaatee, wada-xaajood muddooyinkan dambe socday oo ay garwadeen ka ahaayeen dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa horseeday isku soo dhowaansho iyo degganaansho siyaasadeed, taas oo fursad u noqotay in Madaxweynaha uu booqasho rasmi ah ku tago Kismaayo.