maxaa ka jira in safarkii ugu dambeeyay ee boqor Haile Selassie uu uga baxay Itoobiya uu ahaa kii uu Muqdisho ku yimid 1974-tii ?

Boqor Haile Selassie wuxuu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee Itoobiya ee si rasmi ah u xukumay dalkaas iyadoo nidaam boqortooyo ah uu jiro.
Marka laga hadlayo taariikhda afrika waxaa lagu tilmaamaa halyay qaaradda wax badan u huray oo horseed u haaa aas-aaskii ururka Midowga Afrika, iyo xoojinta iskaashiga dalalkeeda, balse dhinaca Soomaalida wuxuu ugu suntanyahay cadow aan damqan oo weligiis madax-bannaanida, midnimada, iyo Dowladnimada u diiddanaa.
Wuxuu talada hayay ku dhowaad 50 sano, asagoo mudadaas sameeyay dhacdooyin taariikh galay, sidoo kalena socdaallo kala duwan ku tagay inta badan dalalka dunida, balse safarkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa midkii uu Muqdisho ku yimid 1974-tii, xilligaas uu ka qeyb-galay shirkii Midowga Afrika oo Soomaaliya ay marti-gelisay.
Boqor Haile Selassie xilligaas Muqdisho si weyn ayaa loogu soo dhoweeyay, wuxuuna sheegay in hurdadii ugu macaanayd ee uu abid lado uu ku gam’ay magaalo xeebeedkan cimilada wanaagsan ee kulaalaysa badweynta Hindiya.
Sida uu sheegay Cabdullaahi Xaaji oo ah wariye Rugcaddaa ah oo muddo dheer ka soo shaqaynayay warbaahinta Itoobiya iyo mid Caalamkaba, Boqor Haile Selassie markiisii hore Soomaalida aad buu u nebcaa, balse markii uu Muqdisho yimid wuxuu qiray in Soomaaliya ay hormar ballaaran ku tillaabsatay.
Bilo yar ka dib imaanshihiisii Muqdisho
Waxaa afgembiyay askartii loo yaqaanay Derg oo uu hoggaaminayay Mengistu Haile Mariam, ayagoo diley in ka badan 60 xubnood oo kamid ahaa saraakiishii ugu sarreysay boqortooyadiisa.
Sanad ka dib oo ku beeganayd 1975-tii ayuu ku dhintay xabsi guri ay ciidankii afgambiga sameeyay ku xireen, balse waxaa la rumaysanyahay in la diley oo aanu si dabeeci ah u dhiman, dhicitaankiisii ka dibna Itoobiya waxay isku badeshay hannaanka Jamhuuriyadda, ayadoo ka guurtay hab maamulkii boqortooyada.