MUQDISHO: Waddooyin Muhiim ah oo Saaka La Xiray Kaddib Weerarkii Godka Jilicow

Qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo ciidamada ammaanka ee ku sugan isgoysyada muhiimka ah ay joojiyeen isu gudubka gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Sida ay sheegeen ilo amni, go’aanka lagu xiray waddooyinkan ayaa la xiriira tallaabooyin lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, kaddib weerar shalay gelinkii dambe ay kooxda AS (Al-Shabaab) ku qaadday xarunta Godka Jilicow, oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada.
Xiritaanka Isgoysyada Muhiimka ah
Isgoysyada ay saameeyeen tallaabooyinkan waxaa kamid ah:
Sanca
Jardiinka
Siinaay
Foloranza
Aadan Cadde
Howlwadaag
KPP
Carwadii Qaranka iyo Taleex
Tarabuunka
Saybiyaano
Banaadir
Isgoysyadan ayaa lagu xiray dhagxaan, taayaro, iyo calaamado kale oo muujinaya in isu-socodka la joojiyay. Ciidamada ammaanka ayaa ku sugan goobahaasi, iyagoo gacanta ku haya amniga iyo kormeerka dhaqdhaqaaqa.
Saameynta Dadweynaha iyo Gaadiidka
Saxmad xooggan ayaa laga soo sheegay isgoysyada xiran, iyadoo gaadiidka dadweynaha iyo midka ganacsiga ay ku adkaatay inay maraan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.
Sannadihii la soo dhaafay, waddooyinka qaar ayaa la xiray sababo amni awgood, balse isgoysyada muhiimka ah ayaa horey u sii shaqeynayay kaddib markii lagu rakibay kaamirooyin amni oo kor lagala socdo dhaqdhaqaaqa gaadiidka.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu arkayaa goobaha la xiray, iyagoo baaritaanno iyo su’aallo ku sameynaya dadka iyo gaadiidka ay tuhmaan.