U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay dhammaystirtay dhammaan hababkii iyo sharciyadii ay kula jaanqaadi lahayd suuqyada Bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u dhammaystirtay dhammaan habraacyadii iyo sharciyadii lagama maarmaanka u ahaa si ay ula jaanqaado suuqyada iyo is-dhexgalka dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika.

Madaxweynaha oo ka hadlayay daahfurka shirka iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay in tallaabadan ay Soomaaliya u tahay mid muhiim ah oo muujinaysa diyaar garow buuxa oo ay kaga qaybqaadanayso horumarinta dhaqaalaha guud ee gobolka.

Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay  in Soomaaliya sidoo kale ay diyaarisay qorshaha fog ee 2060-ka, kaas oo waafaqsan himilada iyo hiigsiga Bariga Afrika ee 2050-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale faray in jaamacadaha dalka ay hormariyaan barashada afka Sawaaxiliga, isagoo xusay in luqaddaasi ay muhiim u tahay kobcinta xiriirka ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Shirka iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ururka EAC ayaa waxaa lagu gorfeeyay fursadaha maalgashi, xoojinta ganacsiga xorta ah, iyo sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda isku xirta dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoo Soomaaliya ay dhowaan si rasmi ah uga mid noqotay xubnaha buuxa ee ururkaasi.

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ka mid noqoshada dhaqaalaha Bariga Afrika, lana doonayo in dalka uu si buuxda uga faa’iidaysto fursadaha ganacsi iyo horumarineed ee ka jira gobolka.