Shaqaalaha Dhismaha Soomaaliya oo Ku Shaqeeya Daruufo Adag iyo halis maalinle ah

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, waxaa maalin kasta ka socda dhismayaal cusub oo u badan daaro dheer dheer , balse muuqaalka soo jiidashada leh ee dhismayaashaasi waxaa ku hoos duugan nolol adag oo ay wajahaan kumannaan shaqaale dhismeed ah oo dalka ka shaqeeya.
Shaqaalaha dhismaha ayaa inta badan ku shaqeeya daruufo adag oo ka fog xeerarka shaqaalaha caalamiga ah, ayagoo lq daalaa-dhacaya xaalado qalafsan iyo halis maalinle ah.
Dhismayaal dheer dheer ayay ka shaqeeyaan ayagoo intooda badani aanay haysan qalabkii badbaadada ee lagama maarmaanka u ah sida koofiyadaha ilaalinta, suumanka fuulista, iyo kabaha amniga, ma haystaan inta badan.
Inkastoo qalabka dhismuhu uu haatan ka hormarsanyahay siduu ahaa sanado ka hor, haddana bedqabka shaqaalaha cidina xil weyn iskama saarto oo waxaad arkaysaa iyagoo si halis ah u fuulaya dhismayaal dhaadheer.
Shaqaalaha intooda badan waa dad danyar ah oo nolol-maalmeedkooda ka raadsada shaqooyinka adag ee dhismaha , waxayna ku shaqeeyaan gun yar oo maalinle ah, ayadoo aysan siyaasad dowladeed oo jaan-goynaysa hannaanka ay ku shaqeeyaan, ururro u dooda xaqooda, iyo nadaam howl-gab, caymis, ama mag-dhow siin ah oo damaanad qaadaya xaqooda.
Waxaa intaas dheer in xaquuqda shaqaalaha sida fasaxyada iyo kabka khasaaraha iyo culaysyadu aanu jirin, markii shil uu dhacona inta badan shaqaalaha dhaawacma ama dhinta ma helaan magdhow, halka loo shaqeeyayaasha badankoodu ay ka dhuuntaan mas’uuliyadda.
Ururka shaqaalaha rayidka ah iyo wasaaradaha shaqada ee dowladdu waxay u muuqdaan kuwo ku eg keliya howl-wadeenada dowliga ah, islamarkaana aan wax xil ah iska saarin muruq-maalka iyo xoogsatada madaxa-bannaan ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee shaqaalaha dhismaha ee Soomaaliya waxay u baahan yihiin in si dhab ah loo daryeelo, loo ilaaliyo xuquuqdooda, laguna qasbo shirkadaha iyo ganacsatada inay bixiyaan qalabka badbaadada, mushahar ku filan, iyo magdhow shil kasta oo dhaca, xaqiijinta yoolkaasna waxaa laga sugayaa dowladda iyo loo shaqeeyayaasha.